Talaado 25 Feb 2025 {HMC} Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa Isniintii hakisay howlihii ay ka wadeen xerada Zamzam ee dalka Suudaan, oo ay macluushu ku dhufatay, kadib markii ay sii kordheen weerarrada iyo dagaallada ka socda agagaarka aaggaasi.
MSF ayaa sheegtay in dagaalka u dhexeeya millatariga Suudaan iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee ay iska soo horjeedaan uu ku sii xoogeystay xerada, oo ku taalla Waqooyiga Darfur.
Xiisadda sii kordheysa ayaa ka dhigtay mid aan macquul ahayn in MSF ay sii waddo bixinta gargaarka bini’aadantinimo, oo u badan taageero naf-badbaadin ah oo dhinacyo kala duwan leh, loona fidiyo kumannaan barakacayaal ah oo ku sugan deegaanka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’addu.
Yahya Kalilah, oo ah madaxa howlgalka MSF ee Suudaan, ayaa sheegay in mashruucooda la hakiyay, iyada oo xerada Zamzam ay ku dhex jirto musiibo qalbi-jab ah.