spot_imgspot_imgspot_img

Guddoomiye Aadan Madoobe Oo kulan La Qaatay Madaxda Urur Goboleedka IGAD Ee Soomaaliya

Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiska kulan kula qaatay wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamuud Cabdi Axmed.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa ugu warbixiyay shaqada xafiiska IGAD ee Soomaaliya iyo qorshayaasha u degsan sanadkan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xafiiska ururka IGAD ee Soomaaliya ku bogaadiyay shaqada ay hayaan maadaamaa Soomaaliya kaalin weyn oo firfircoon ku leedahay dhisida urur goboleedka IGAD.

Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo ah Agaasimaha Xarunta la qabsiga Cimilada ee IGAD iyo Axmed Xasan oo ah La taliyaha Xogayaha IGAD.

Kulankaan ayaa ahaa mid ku aadanaa is xog-wareysi la xiriira shaqada xafiiska IGAD ee Soomaaliya iyo qorshayaasha u degsan sannadkaan.

WARARKA