spot_imgspot_imgspot_img

FAAH FAAHIN:.Dagaal Culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Faah Faahin dheeraad ayaa Laga helayaa Dagaal Culus oo udhaxeeyo Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka oo isku garab ah iyo Al-shabaab oo ka dhacay Deegaanka Cadoow Gureey oo hoostaga degmada Buuo burde ee Gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu yahay Mid Culus oo Hubka Nuucyadiisa Kala duwan leeygu Adeegsanayo. Waxaana deegaankan Saldhig ku lahaa Ciidamada dowlada iyo kua Deegaanka.

Saraakiisha Ciidmaada dowlada ayaa sheegay in ay iska difaaceeyn Weerar Al-shabaab ay kusoo qaadeeyn Saldhigyadan. iyaga oo intaasi Raaciyay in Khasaaro xoogan la gaarsiiyay Al-shabaab.

Dagaalka waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhawac ah Sida ay sheekeyn Saraakiisha Ciidamada dowada Soomaaliya ee ku sugan Deegaanka Cadoow Guroow oo Buulo Burde hoostaga.

Deegaanka Cadoow Gureey Waxaa shalay Gaaray Taliyaha Hay’ada Nabad-sugida Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Cali Sambalooshe iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Madax kale.

Faah Faahinta Waxii Dagaalka kusoo kordho Hiiraanweyn kala soco.

WARARKA