Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Ciidamada difaaca maamulka Puntland , ayaa saakay mar kale qaaday howlgal balaaran oo ay ku doonayaan in kooxda Daacish kaga saaraan deegaanno iyo fariisimo ay ku leeyihiin dhulka buuraha ee hoostaga degmada Qandala.
Sida aan wararka ku heleyno ciidamada difaaca Puntland ayaa dhoor jiho ka weeraray aagga Dhasaan ee degmada Qandala, waxa ayna ciidamada doonayaan in aagaan ka saaraan dagaallamayaasha Daacish oo la sheegay in fariisimo ku leeyihiin.
Ciidamada Puntland oo horumaro ka sameeyay howlgalladii ugu dambeeyay ayaa markii u horraysay u baxay dhul ka dabacsan buurihii adkaa ee uu horay uga socday hawlgalka, waxaana la filayaa in ciimada dhul hor leh ka saaraan kooxaga argagaxisada ah.
Saraakiisha ciidanka Puntland ee howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ciidankooda ay hadda kusii siqayaan degaanno ay ku jiraan Af-cad, Xankookib iyo Dhasaan, deegaanadaan ayaana la sheegay in ciidamada qarka u saaran yihiin in Daacish kaga saaraan dagaal la’aan.
Ciidamada Puntland ayaa hada gebogabo marsiinaya wajiga labaad ee howlgalka lagu ciribtirayo argagaxisada Daacish, waxa ayna ciidamada mar kale isku diyaarin doonaan howlgallo kale oo lagu soo afjarayo kooxda Daacish.