spot_imgspot_imgspot_img

Burcad badeeda Soomaalida oo sii daayay Dooni Kalluumaysi oo laga lahaa dalka Yemen.

Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Koox burcad badeed Soomaali ah ayaa la sheegay in ay sii daayeen dooni kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen oo ay ku qabteen xeebaha Geeska Afrika agaar ahaan degaanada Puntland, waxaana ay gacanta ku haayeen muddo shan maalmood ah, sida ay sheegeen howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcad badeeda.

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada badda Yurub ee EUNAVFOR Atalanta ayaa lagu sheegay in weerarkii ugu horeeyay ee burcad badeedu ay qaadeen 17-kii bishii February ay la beegsadeen Doon u yara shabaha Markabka, kaasi oo loo isticmaali jiray biyaha bariga dhexe, balse lagu qafaashay xeebta magaalada Eyl ee Soomaaliya.

Doonta oo lagu magacaabo “Seton-2” ayaa ku sii jirtay gacanta burcadbadeedda illaa Sabtidii, waxaana burcad-badeedda ay ku qalabaysnaayeen jaranjaro iyo hub, taasoo muujinaysa inay dhici kartay inay doonayeen inay afduubtaan maraakiib kale, iyagoo u isticmaalayay doonidaan kalluumaysiga.

“Kooxaha looga shakisan yahay burcadbadeedda ayaa ka baxay doonida kalluumeysiga kaddib markii ay wixii ay wateen Shaqaalaha doonida ay ka qaateen” ayay yiraahdeen ciidamada badda, iyagoo intaas ku daray in shaqaalihii markabka “Seaton-2” ay hadda bad qabaan oo ay xor yihiin.

Xeebaha Degaanada Puntland waxaa dib uga soo ifbaxay kooxihii Burcad badeeda Soomaalida iyagoo dhowr jeer afduubtay maraakiib ku socdaalaysay biyaha Soomaaliya.

WARARKA