spot_imgspot_imgspot_img

Qaramada Midoobay Oo Ka Walaacsan Xaaladda Kasii Dareyso Ee Dalka Suudaan

Isniin 24,Feb-2025 {HMC} Walaaca Qaramada Midoobay ee Suudaan ayaa sii kordhay kaddib markii duqeymaha ay isku adeegsanayaan Ciidanka Xukuumadda iyo kooxda RSF ay sii kordheen, waxyeellada ugu badan waxa ay kasoo gaartay Dad rayid ah.

Dhinacyadaan is hor fadhiya ayaa markii ay kala adkaan waayeen isku adeegsanaya hub culus ee duqeymaha lagu fuliyo iyada oo aan loo meel dayeen Dadka Rayidka iyo xubnahaan is raadsanaya.

Diiwaanka Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Suudaan waxaa maalmihii lasoo dhaafay galay Tobanneeyo Rayid ah oo ku dhintay duqeymo ka dhacay Magaalooyin kala duwan oo Dalkaas ah.

Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay in la sameeyo aag ka caaggan Colaadda si ay ugu nabad galaan Dadka Rayidka ah ee dhibanayaasha u noqday dhinacyadaan kala adkaan la’ si midkood talada maamulka gacanta ugu dhigo.

Madaxda Suudaan ee metalaya Dowladda ayaa dhinac isaga riixay in leeyihiin eedaha waxa dhacay, sidaas oo kale kooxaha mucaaradka ayaa iska fogeeyay mas’uuliyadda duqeymahaas dhacay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo marar badan kulamo ka yeeshay ayaa qaraaraadkii kasoo baxay waxa uu noqday kuwa soo dhaafi waayay madashii laga sheegay sida lagu tusaaleyn karo weli in aan wax isbaddelin.

WARARKA