Isniin 24,Feb-2025 {HMC} Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage uu kamid ahaa ciidamadii ka dagaalamay Degaanka Ceel Cali Axmed ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wasiirka oo mar wax laga weydiiyay inuu daahay gurmadkii Dowladda ee gaari lahaa Macawiisleeydii Al-shabaab kula dagaalantay Degaanka Ceel Cali Axmed Khamiistii lasoo dhaafay, ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka waqtigoodi ay ku tageen goobta dagaalka waqtigii loogu talagalay.
“Ma waxaad beenin kartaan in Generaal Odawaa uu ka dagaalamay masaajidka Ceel Cali Axmed, Dagaalka marna waxaa lagugu yahay Weerar oo aad cadowga iskaga dhicenayso marna waa xeeladeeysi aad furimaha uga baxeeyso” ayuu yiri Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi.
Mid kamid ah ciidanka Macawiisleeyda oo wareysi uu bixiyay si weyn u qabsaday baraha Bulshada ayaa waxa uu sheegay in 25 rag kaliya ay iskaga dhiciyeen Al shabaabkii Degaanka soo weeraray oo ay Boqol Dagaalame ay ka dileen balse uu kasoo daahay gurmadkii ciidanka Dowladda ay sugaayeen.
Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ka jira dhaq dhaqaaqyo ciidan maadama Al-shabaab ay kusoo rogaal celiyeen degaano iyo degmooyinka sanado kahor laga saareey taa oo keentay in ciidamo badan oo kuwa Militeriga iyo Galmudug ay usoo ruqaansadaan Gobolkaan si cududa ciidanka loo mideeyo loogana saaro Al shabaab goobihii ugu dambeeyay ee Shabeelaha Dhexe la wareegeen.