spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Puntlnad iyo Jabbaland ka qaban doonto doorasho Qof iyo cod ah

Isniin 24,Feb-2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bixiyay wareysi dhinacyo badan taabanaayay siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in dalka ay ka hirgaliso doorasho qof iyo cod ah, si awooda dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu tilmaamay in guud ahaan deegaanada dalka laga qaban doono doorashooyinka qof iyo codka ah oo ay ku jitaan maamulada Jubbaland iyo Puntland oo haatan si weyn diidan qorshaha Madaxtooyada Soomaaliya ay ku dooneyso nidaamka doorasho ee qof iyo cod ah.

“Waa laga gudbayaa nidaamka is addoonsiga ee qof maamul goboleed jooga saf loo galo, shacabkana rahmad uma haysan karo, doorashada way ka dhici doontaa Puntland iyo Jubbaland iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale xusay in la joogo waqtigii laga gudbi lahaa doorashooyinka dadban, islamarkaana la joogo xiligii loo dareeri lahaa doorasho dadweyne oo daah furan, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan dowladdooda una diyaar garoobaan doorashooyinka soo socda.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka arrimaha Dibbada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqo ayaa kusoo aadaya, iyadoo nidamaka doorasho ee qof iyo codka ah ay diidan yihiin madaxda maamul goboleedyada Jubbland iyo Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

WARARKA