Isniin 24,Febr-2025 {HMC} Wafdi sare oo ka socda Taliska Tababarada iyo Doktoriinka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Taliyaha Taliska ayaa safar shaqo oo muhiim ah ku tagay dalka Turkiga.
Ujeedka safarkaan ayaa ahaa xoojinta iyo horumarinta aqoonta tababarada Ciidamada, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo diyaarinayo hanaan casri ah oo la jaanqaadi kara nidaamyada iyo xeeladaha cusub ee Ciidamada Caalamka.
Intii uu waftigu ku sugnaa Turkiga, waxay booqdeen xarumo tababar oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Talisyada tababarka ee Ciidanka Dhulka, Kulliyadda Layliga Saraakiisha, Dugsiyada Madaafiicda & Gantaalaha, Dugsiga Isgaarsiinta, Xarunta Carbisyada Ciidanka, Dugsiga Tababarka Ciidamada Gaarka ah & Dallaayadaha (Special Forces & Airborne Training School) iyo Dugsiga Tababarka Komaandooska.
Kulamo ay waftigu la qaateen saraakiisha Turkiga ayaa lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca tababarka, sare u qaadidda tayada Ciidamada iyo la jaanqaadidda hababka casriga ah ee dhismaha iyo howlgalinta Ciidanka.