spot_imgspot_imgspot_img

Somaliland Oo Deenaanadeeda Ka Bilowday Olole Lagu Masaafurinayo Dadka Itoobiyaanka Ah

Axad 23, Feb 2025 {HMC} Xukuumadda Somaliland ayaa qaaday olole lagu qabqabanayo dadka Itoobiyaanka ah ee aan sharciga haysan si loogu celiyo dalkoodii.

Ciidamada booliiska magaalada, oo wata baabuurta shabaqa leh ee maxaabiista lagu qaado, ayaa saaka lagu arkay goobaha suuqyada iyaga oo qabqabanaya dadka Itoobiyaanka ah ee sharci la’aanta ku jooga Somaliland.

Inkasta oo ay jiraan dad badan oo Itoobiyaan ah oo Somaliland ku jooga kaadhadh qaxooti iyo fiisayaal, isla markaana shaqaysta, haddana waxa jira kuwo sannad kasta si sharci darro ah kusoo gala, kuwaas oo mararka qaar dib loo celiyo.

Dadkan, oo u badan qoomiyadda Oromada ee ugu ballaadhan dalka Itoobiya, ayaa intooda badan ah bulsho danyar ah, kuwaas oo qabta shaqooyinka hoose sida maydhista baabuurta, halka qaarkoodna dawarsadaan.

Dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa sidoo kale qaaday olole la mid ah kan Somaliland, ka dib markii lagu tuhmay in dad Itoobiyaan ah ay ku lug yeesheen falal argagixiso.

WARARKA