spot_imgspot_imgspot_img

Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo eedeyn u jeediyey Dowladda Soomaliya.

Axad 23, Feb 2025 {HMC} R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la hadlayay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa si adag uga digay isku dayga dowladda ee ah isku gaar yeelidda doorashada qof iyo cod.

Rooble ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in wixii uu ka diiday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan maanta ka aqbalayn madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Rooble ayaa xusay in aysan socon karin doorasho aan heshiis lagu ahayn waxa uuna xusay in aan xaglo geel lagu hayn karin arrinta doorashada.

Rooble oo soo hadal qaaday ishortaaga lagu sameeyay ayaa waxaa uu sheegay in safarka uu tagayay dalka Koofur Afrika uu caqabad badan uu kala kulmay, balse waxaa uu tilmaamay in wixii dhacay ay go’aansaday inaysan arrintan ka tanaasulaan.

Sidoo kale Rooble ayaa sheegay in marka uu ku soo laabto dalka uu la xisaabtami doono dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo soo qaatay maahmaah Soomaaliyeed, taasi oo aheyd ‘Nin Ciid kugu rogay waxaa la dhahay waxba kuma gaarsiin laakin calooshiisa ayuu ku tusay.

WARARKA