Axad 23, Feb 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay duqeyn dhanka cirka ah oo Saacadihii ugu dambeeyay ka dhacday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari kaas oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowladda Mareykanka.
Sidoo kale, duqeynta Mareykanka uu fuliyay ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in lala eegtay goobo la sheegay in ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga horjoogayaasha ee katirsan kooxda Daacish oo ku sugan Buuralayda Calmiskaad.
“Hawlgal duqeymo ah oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu bartilmaameedsaday firxadka maleeshiyaadka Daacish ( ISIS) ee ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Caal-miskeed ee gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa intaasi lagu daray “Hawlgalka duqeymaha ah oo si guul ah ay u fuliyeen Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliya waxa ay dhaceen fiidkii 21 Febraayo iyo shalay 22-ka Febraayo 2025, waxaana lagu taageerayay hawlgalka geesiyaasha Ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan haraadiga Khawaarijta Daacish.”
Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kaloo lagu yiri’Qiimeynta hore ee hawlgalka ayaa muujineysa in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeymaha, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray rayidka.’
Ciidanka dowlad goboleedka Puntland ayaa bishii labaad dagaal toos ah kula jira kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad, waxaana dagaalkaasi uu sababay in la diley hoggaamiyaal badan oo isugu jiray ajaanib iyo Soomaaliba.