spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Tababar loo Soo Xiray Ciidan Cusub oo ka mid Noqonayo Militiriga Soomaliya

Axad 23, Feb 2025 {HMC}  Taliyaha Guutada 9-aad G/dhexe Yoonis Aadan Xasan ayaa tababar u soo xiray cutubyo kamid noqonaya Ururka 96-aad Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee CXD kuwaas oo muddo layli ku qaadanayay dugsiga tababarka ciidanka ee degmada Xuddur.

Taliyaha Guutada 9-aad G/dhexe Yoonis Aadan Xasan ayaa sheegay in ciidankaan ay ka howlgali doonaan dhammaan degmooyinka iyo deegaannada gobolka Bakool si cadowga Khawaarijta ah looga dulqaado dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada ku hayaan.

Xiritaanka tababarkan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa maamulka iyo waxgaradka gobolka Bakool.

WARARKA