Sabti 22, Feb 2025 {HMC} Waxaa maanta Xarunta Villa Hargeysa ee sida kumeel-gaarka ah ugu shiro Baarlamaanka 11aad ka furmay shirkooda, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay waxaana dhinac fadhiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Khudbadda Guddoomiyaha Aqalka Sare:
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu horreyn ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay dastuurka Dalka, waxa uu xusay in uu waqti dheeraaday.
Kalfadhigaan ayuu sheegay Guddoomiye Cabdi Xaashi in lagu dhammeystiro, waxa uu dalbaday in la caddeeyo nooca Federaal ee Soomaaliya qaadatay, howshaas oo idilna looga shaqeyn doonno kalfadhigaan 6aad sida uu hadalka u dhigay.
“Aad buu noogu raagay dib u eegista & sixidda Dastuurka Dalka, waa in aan kalfadhigaan ku dedaalnaa in aan dhammeystirno, Noocda federaalka aan qaadanay waa in aan si cad u caddeynaa” Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare BJFS.
Khudbadda Guddoomiyaha Golaha Shacabka:
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Xildhibaannada u sheegay in muddada ay fasaxa ku maqnaayeen in Madax kala duwan u timid halka safarro kale ay ku tageen Dalalka xiriirka kala dhaxeeya.
“Dastuurka dalka waa in aan ka saarnaa qabyada uu yahay, sidaas awgeed waa in aan isugu geynaa xooggeenna” Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS
Khudbadda MW JFS Xasan Sheekh:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furitaanka Kalfadhiga 6aad waxa uu Mudaneyaasha labada Gole uu u jeediyay khudbad uu uga hadlay Arrimaha Amniga, Siyaasadda, Doorashooyinka, Dagaallada socda & qodobo kale.
“Dhammaan Degmooyinkii la xorreeyay waxaa u baryay waa cusub oo waxaa dib looga furay Waxbarashada & adeegyada Bulshada” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Mar uu ka hadlay arrinka sahminta shidaalka Soomaaliya waxa uu sheegay in ay socoto shaqadaas balse waxa uu soo bandhigay caqabad qabsatay kooxda baarista ku howlan oo ah in shabaakta lagu kalluumeysto ay badda Soomaaliya ka buuxiyeen Maraabkiibta sida sharci darrada uga kalluumeysta.
“Khubarrada Baaraya Shidaalka Soomaaliya waxa ay xoogga badan geliyeen soosaarista Wasaq badan oo ay kamid yihiin Shabaakta Kalluumeysiga oo mamnuuc ah.” Ayuu yiri MW JFS
“Ciidanka Badda & kuwa Cirka waxa aan u diyaarineynaa in ay ku filnaadaan difaaca Badda iyo Hawada Dalkeenna” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Dagaalka ka socda deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland ayuu sheegay in uu waajib ku yahay ka qaybgalkiisa, in siyaasadda lagu kala duwanaan karo ayuu tilmaamay balse dagaallada socda ay yihiin kuwo si isku mid ah lagu wajahayo.
“Dowladda Federaalka waxa ay mardhow magacaabi doonta Guddi ka shaqeeya sidii Puntland looga Caawin lahaa Dagaallada lagula jiro Daacish” Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
Mar uu soo hadal qaaday Daynta waxa uu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday in ay lacag soo qaadato iyada oo u heleysa fursad, sababta waxa uu ku sheegay in aanay habbooneyn in lacagtaas laga dhigto mushaar balse mashaariic lagu fulin doonno.
“Ilaa hadda si ay Mas’uuliyad ku dheehan tahay uga baaqsanay in aan Dayn qaadano, uma qaadaneyno in aan wax isaga bixino ee waxa aan u qaadan doonnaa dib u dhiska Dalka” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliya ayuu sheegay in dhammaadka sanadkaan 2025 ay cirka u diri doonno Dayax gacmeed, tani ayuu ku sifeeyay mid muujineysa in Qaaraddaan Afrika ay Soomaaliya uga hormartay dhinaca loolanka hawada sare.
“Qaaradda Afrika markii ugu horreysay ee Dayax gacmeed laga tuuray waxa ay noqoneynaa Soomaaliya weliba sanadkaan dhammaadkiisa” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud
Shacabka ayuu ka codsaday in ay bixiyaan canshuurta, natiijada kasoo noqotay ayuu ku tusaaleeyay in la hirgeliyay Goobo Waxbarasho oo bilaash ah, Macallimiinta wax bareysa Ardayda oo mushaarkooda la siiyo iyo adeegyo kale oo muhiim ah oo lagu hirgeliyay.
“Canshuuraha yar ee Dowladda soo galo waa kuwa sababay in Iskuullo badan la furo, sidoo kale Macallin Soomaaliyeed uu Ardayda Waxbaro iyada oo aan lacag laga qaadayn” Dr Xasan Sheekh Maxamuud, MW JFS
Mar uu dul istaagay Doorashada qof iyo codka ah ee dalka laga filayo in ay ka dhacdo ayuu shaaciyay in Dowladda Federaalka ay kharashkeeda kusoo iibsatay qalabka casriga ah ee loogu talagalay Doorashooyinka, waxa uu meesha ka saaray halis dalka ka jirta oo diideysa doorashadaas.
“Doorashada waxa aan u adeegsaneynaa qalabka casriga ah ee lagu kala garanayo Dadka codeynaya & Meesha laga codeynaya, kharashka ku baxaya qalabkaas inta badan Dowladda Soomaaliya ayaa bixisay, Ma jirto sabab aan dalka Soomaaliya khatar u galino ee waxaa loo baahan yahay in aan isku kalsoonaano” Madaxweyne Xasan Sheekh
Gunaanadkii khudbaddiisa waxa uu fariin ugu diray xubnaha mucaaradka ah ee doodaha badan ka keenay doorashada Dowladdu sheegtay in ay dalka ka dhaceyso iyaga oo dooddooda ku adkeeyay in aanay jirin saansaan muujineysa doorashadaas.
Waxa uu si cad u sheegay in la dhaliili karo lana soo bandhigi karo gaabisyada Dowladda Federaalka balse aanay habbooneyn in Mustaqbalka ummadda shaki la geliyo, waxa uu doorashadaas sheegay in haddii looga adkaado ay xilka bannaan doonnaan.
“Ma diideyno mana hor istaageyno in la sheego haddii cillado ay ka jiraan Dowladda laakiin Mustaqbalka waa in aan Mugdi laga dhigin, Berri hadii nala dooran waayo inaan iska baxno oo aan Gurigeena ku laabano dhib nagu ma heyso,laakiin majirto sabab aan halis u galino dalka” ayuu yiri MW Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Baarlamaanka Soomaaliya oo fasax ku maqnaa labadii bil lasoo dhaafay ayaa dib u billaabay fadhigiisa, sida in badan la hadal yahay waxaa jirtay cabsi la xiriirta in uu buuq ka dhici karo fadhiga balse taasi ma dhicin inkasta oo ganaax ay ku maqan yihiin Xildhibaanno.