spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa laga Filankaraa Maanta Golaha Shacabka? – Guuxa mooshinka iyo……

Sabti 22, Feb 2025 {HMC} Maanta waxaa la filayaa in la furo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo markii hore loo qorsheeyay inuu furmo 6-dii bishan. Hase yeeshee, dib u dhac ayaa ku yimid, iyadoo aan la isugu imaan xilligii hore loo qorsheeyay.

Kalfadhigan lixaad waxaa hareeyay kala aragti duwanaan baahsan, taasoo sababtay in dib loo dhigo furitaankiisa. Furitaanka Baarlamaanka oo ah arrin dastuuri ah, ayaa dib u dhacay iyadoon sabab rasmi ah loo sheegin, mana jirin wax war ah oo kasoo baxay Guddoonka labada Aqal ilaa xildhibaanno kusii qulqulaya Muqdisho ay cadaadis xooggan saareen. Xildhibaannadaasi ayaa shirar ku yeeshay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Si ka duwan furitaannadii hore, furitaanka kalfadhigan oo la filayo in uu maanta qabsoomo, waxa uu sababay hadal hayn badan. Madaxda Dowladda Federaalka, siyaasiyiinta mucaaridka, Dowlad Goboleedyada, iyo saamilayda siyaasadda ayaa si weyn u danaynaya, waxaana jira sababo dhowr ah oo keenaya in si gaar ah loola socdo.

Guuxa mooshinka

Tan iyo markii la xiray kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka bishii Diseembar ee sanadkii hore, waxaa soo baxayay guux mooshin lagu ridayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda. Mooshinka ayaa ka soo bilowday magaalada Kismaayo, waxaana uu salka ku hayaa khilaafkii ka dhex qarxay Dowladda Federaalka iyo Jubaland kaddib doorashadii Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Qaabka uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre u wajahay doorashada Jubaland ayaa keenay in xildhibaannada ku haybta ah ay u janjeeraan dhinaca Axmed Madoobe, iyagoo diidmo ficil ah kaga jawaabay hoggaaminta Xamsa, taasoo keentay in mooshin laga keeno.

Tani waa markii ugu horreysay ee beesha uu ka dhashay Ra’iisul Wasaaraha ay iyagu hoggaanka u qabtaan mooshin lagu ridayo xilka. Waa dhacdo ugub ah oo taariikhda Soomaaliya lagu xusi doono.

Xildhibaanno kale oo ballamo siyaasadeed looga baxay, kuwa xilka waayay, kuwa aan saami ka helin dhulalka la xaraashayo ee Muqdisho, siyaasiyiin fursad raadis ah, iyo xil sugayaal idman ayaa ku biiray ololaha xil-ka-tuurista Wasiirka Koowaad. Mooshinku waa dhab, waxaana saxiixay in ka badan 90 xildhibaan, tiraduna waa sii kordheysaa. Taasi waa sababta ugu weyn ee kalfadhigan dib loogu dhigay.

Jihada doorashada dowlad goboleedyada
Dowlad Goboleedyadu mar hore ayay dhaafeen muddadii xil-hayntooda, sharciyadoodana loogama doodayo Baarlamaanka. Hase yeeshee, waxaa jira arrin gaar ah oo jihada doorashada Dowlad Goboleedyada qeexaysa—waa mowqifka Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo isku dhinac ah.

Labadan mas’uul waxa ay doonayaan in qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh uu hirgalo, mooshinkana aan la horgeyn Baarlamaanka, si looga dhabeeyo doorasho qof iyo cod ah. Si taas loo suurogeliyo, waa in meesha laga saaro xulufada Xasan Sheekh ee ku jira Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Islaamka Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirka Difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Laftagareen ayaa dulqaadkii muddo kordhinta uu ku fadhiyay gabaabsi ku dhow, waxaana suuragal ah in uu doorasho galo haddii ballamihiisa la fulin waayo. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ma doonayo in uu lumiyo saaxiibadiisa muhiimka ah ee xukuumadda, balse wuxuu ka baqayaa khilaaf cusub oo la dhax dhiga Madoobe iyo Laftagareen. Go’aanka uu qaato Madaxweyne Xasan waxa uu si cad u qeexi doonaa jihada ay qaadan doonto doorashada Dowlad Goboleedyada.

Haddii Axmed Madoobe uu go’aansado in uu qabto mooshinka, waxay taasi fure u noqon doontaa in Laftagareen iskiis doorasho u aado, taasoo keeni karta isbeddel siyaasadeed oo cusub.

Waqtiga kala baxa

Mooshinka ridista Xukuumadda waxa uu wajahayaa caqabad xagga waqtiga ah, maadaama jadwalka kalfadhiga si xadidan loo habeeyay. Laba toddobaad oo shaqo Baarlamaan ah kuma filna dhaqaajinta mooshinka. Waxaa si ula kac ah dib loogu riixay, marka sharciyadda la eego, balse waxaa weli taagan khatarta uu leeyahay.

Madaxtooyadu dadaal badan ayay ku bixisay kahortagga mooshinka, balse waxaa muuqata in dadaalkaas gaabis galay. Tusaale ahaan, cashadii uu xalay Madaxweyne Xasan Sheekh u qabtay xildhibaannada Beesha Hawiye waxa aqbalay oo kasoo xaadiray kaliya 12 xildhibaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ugu weyn ee la isha ku hayo waa Guddoonka Baarlamaanka. Waxaa la ogyahay in Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu awood u leeyahay in uu hal maalin gudaheed mooshin qabto, cod geliyo, natiijadana kasoo saaro, sida dhacday markii hore xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Siyaasadda Soomaaliya waxay ku socotaa xawaare sare, waxaana toddobaadkan hortegaya bisha Ramadaan la filayaa in Muqdisho ay marti geliso jawi cusub oo siyaasadeed.

WARARKA