spot_imgspot_imgspot_img

Mareykanka oo duqeyn culus ku garaacay godad ay ku jireen Daacish.

Sabti 22, Feb 2025 {HMC} Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka oo taageeraya ciidamada Puntland , ayaa xalay duqeymo culus ku garaacay buuraha Calmiskaad, gaar ahaan godad la sheegay in ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaallamayaal katirsan kooxda Daacish

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah diyaaradaha Mareykanka xalay abaaro sagaalkii habeennimo ka fuliyeen buuraha calmiskaad, duqeynta ayey taliska sheegeen in lagu bartilmaameedsaday goobo ay joogeen Daacish.

Taliska ciidamada Puntland ayaana sheegay in duqeynta lala eegtay bartilmaameedyo ay joogeen saraakiil iyo dagaallamayaal katirsanaa kooxda Daacish, waxa ayna sheegeen taliska in dib laga faahfaahin doono khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Duqeynta diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ka fuliyeen buuraha Calmiskaad gaar ahaan aagga toga Jaceyl ayaa la sheegay in lala eegtay talis weyn oo kooxda Daacish laheyd, waxaana duqeynta si xooggan loogu garaacay goobaha kooxdaasi lagu tuhmayo.

Mareykanka iyo Imaaradaka Carabta ayaa duqeymo la beegsanaya dagaalyahannada kooxda Dacaish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halka ciidamada difaaca Puntland howlgal dhinaca dhulka ah ka wadaan buuraha Calmiskaad gaar ahaan aagga ay joogaan Daacish.

WARARKA