spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo shaaciyay magacyada Saraakiil sar sare oo laga dilay…..

Sabti 22, Feb 2025 {HMC} Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, ayaa lagu shaaciyay in weerarkii Al Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Ceel Cali Axmed iyo deegaanno kale oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe lagu dilay saraakiil sar sare oo katirsanaa Al Shabaab .

Taliska ciidanka xoogga ayaa sheegay in xubnaha Al Shabaab looga dilay weerarkii deegaanka Ceel Cali Axmed uu ku jiro Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisow (Cabdi Gurey), ninkan ayaa la sheegay in uu ahaa sargaalka Al Shabaab madaxda uga ahaa jabhadaha gurmadka ee loo yaqaan Jaysh Aqsaa.

Jabhadaha uu ninkan madaxda ka ahaa ayaa ka howlgali jiray gobolada Shabeelaha Dhaxe , Galgaduud iyo Mudug, waxaana jabhadaha uu Xasan Gurey madaxda ka ahaa kamid ahaa xubno ajaaniib ah oo meelo kala duwan ka yimid.

Saraakiisha kale ee Al Shabaab looga dilay deegaanka Ceel Cali Axmed waxaa kamid ah Daahir Buuxane oo isna la sheegay in uu ahaa taliyaha urur katirsan dagaallamayaasha Al Shabaab, sidoo kale waxaa la dilay xubno kale oo saraakiil ah oo iyana Al Shabaab xilal kala duwan ka hayay.

WARARKA