spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} RW Xamse Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Xusayey Aas’aaska Ciidanka Asluubta Soommaaliyeed

Sabti 22, Feb 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabadda 55-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa hambalyo u diray qeybaha kala duwan ee Ciidanka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Asluubtu ay ku leeyihiin dib-u-habaynta ciidanka iyo horumarinta nidaamka caddaaladda, iyaga oo ka shaqeynaya dhaqan-celinta maxaabiista, waxbaridda iyo sugnaanta amniga xabsiyada dalka.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alif-leyda, Debleyda Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xaasaskooda iyo Caruurtooda, waxaan u rajeynaya in ay sii wadaan dedaalka naf-hurrnimada ah ee aad dadkeenna iyo dalkeenna u haysaan in aad sii xoojisaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa, ayaa intii ay socotay munaasabadda sanad-guurada 55-aad ee Asluubta, xarigga ka jaray Isbitaal cusub oo ay leeyihiin ciidanku. Waxa uunna xusayn in Xukuumaddiisu xoogga saari-doonto sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbadda munaasabadda ciidanka Asluubta waxa uu ammaan u jeediyay ciidanka geesiyaasha Daraawiisha ee Puntland ee dagaalka kula jira argagixisada Daacish, isaga oo ballanqaaday in dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan tahay taageero buuxda, shacabka Soomaaliyeedna ay la garab istaagaan xoog iyo xoolaba.

   

 

WARARKA