Jimco 21, Feb 2025 {HMC} – Eritrea ayaa Khamiistii ku eedeysay Itoobiya, oo ay muddo dheer cadaawad taariikhi ah ay kala dhaxeysay, inay waddo “olole culus oo aflagaaddo ah” oo ka dhan ah, xilli ay sii xoogeysatay xiisadda labada dal.
Labada dal, oo colaad adag ka dhaxeysay tan iyo markii Eritrea ay ka go’day Itoobiya sannadkii 1993, ayaa heshiis nabadeed kala saxiixday 2018. Si kastaba ha ahaatee, xiriirkooda ayaa mar kale sii xumaaday.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa farriin dheer oo uu ku daabacay barta X ku eedeeyay Itoobiya inay waddo “olole aad u daran oo aan la aqbali karin” oo ka dhan ah Eritrea, isla markaana ay hurineyso “isku dhac xun”.
Wuxuu si gaar ah u xusay dadaallada Itoobiya ee ay ku raadinayso marin badeed, iyada oo heshiis la gashay maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland sannadkii hore si ay deked uga hesho badda Cas.
Arrintan ayaa dhalisay khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo la xaliyay kaddib heshiis ay dhexdhexaadin ka gashay Turkey. Si kastaba ha ahaatee, waxa weli mugdi ku jira natiijada kama dambaysta ah ee heshiiskaas.
Gebremeskel wuxuu sheegay in qorshaha Itoobiya uu weli qayb ka yahay “xiisadaha gobolka, isagoo abuuraya jahawareer iyo qalalaase aan loo baahneyn”.
Mas’uuliyiinta Itoobiya kama aysan jawaabin codsiga faallo arrintan la xiriirta.
Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Teshome, ayaa maqaal uu Isniintii ku daabacay Al Jazeera ku eedeeyay madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, inuu yahay “nin dab hurinaya”.
Wuxuu Eritrea ku eedeeyay inay “dib u hurineyso colaaddii waqooyiga Itoobiya”.
Dhanka kale, hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Concern Eritrea oo fadhigeedu yahay UK ayaa Talaadadii warbixin ay ku faafisay internet-ka ku sheegtay in Eritrea ay amartay “dagaal gelin guud oo dalka ah”.
Warbixinta hay’adda ayaa lagu sheegay in dowladda Eritrea ay soo saartay amar muwaadiniinta ka yar 60 sano loogu yeerayo tababar ciidan iyo layli.
AFP ma aysan si madaxbannaan u xaqiijin karin warbixintaas, maadaama dowladda Eritrea si adag u xakunto helitaanka macluumaadka gudaha dalka.
Kadib heshiiskii nabadeed ee 2018, Eritrea waxay Itoobiya ku garab istaagtay dagaalkii ay kula jirtay xoogagga gooni u goosadka ah ee gobolka Tigray intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2022.
Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid tahay Amnesty International, ayaa ciidamada Eritrea ku eedeeyay inay galeen dambiyo dagaal oo ka dhacay Tigray.
Eritrea ayaa eedeymahaas ku tilmaantay “xog marin-habaabin ah”.