spot_imgspot_imgspot_img

Wasiir Fiqi oo Sheegay in Puntland ay diiday taageerada Dowlada Dhexe.

Jimco 21, Feb 2025 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa olole ku tilmaamay dagaalka ay ciidamada difaaca Puntland kula jiraan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari

Wuxuu sheegay inay hub, dawooyin & taageero kale ku ku bixin lahayd DFS hase yeeshee ay Puntland iska diiddey.

“Ololaha hadda socda ee Daacishta iyo dagaalka waxaa jirta in DFS gacan ay fidinayso mar walbaba, hadday tahay dhaawacyada inay soo qaaddo, hadday tahay rasaas in la siiyo laakiin Siciid Deni ayaa diiddan, DFS diyaar bay u tahay dagaalka inay ka soo qaybgasho laakiin albaab way la’adahay”, ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Hadalka Wasiir Fiqi ayaa ku soo aadaya xili Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu horey u sheegay in Puntland ay isaha filan tahay dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish, aysana jirin cid ay taageero uga baahan yahay.

Masuuliyiin kale oo ka tirsan Puntland ayaa iyana ku dhaleeceeyey DF iney ka gaabisay taageerada dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari

WARARKA