Jimco 21, Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland oo safar shaqo ku jooga magaalada Boorama, ayaa xalay kulan casho iyo is xogwaraysi ah la yeeshay bahda dhaqanka ee gobolka Awdal.
Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay bahda dhaqanka ee gobolka Awdal ayey ku wehelinayeen guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, Mudane Cali Xaamud Jibriil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka iyo saraakiil kala duwan oo ka tirsan hay’adaha kala duwan ee maamulka.
Waxaa diiradda lagu saaray sidii looga wada shaqayn lahaa loona taageeri lahaa waxqabadka ballaadhan ee xukuumadda ka waddo gobolka Awdal iyo guud ahaanba Somaliland, kuwaasoo qayb ka ahaa ballanqaadyadii madaxweynaha sameeyey xilligii ololaha doorashada.
Ugu horrayn, xubnaha ugu magaca weyn dhinaca dhaqanka ee gobolka Awdal oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa soo dhaweeyey sida daacadnimada iyo ka go’naashaha leh ee ay madaxweynaha uga go’an tahay inuu muddo-xileedkiisa ku fuliyo dhammaanba wixii ballanqaadyo ahaa ee uu u sameeyey gobolka Awdal iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxana ay si cad u sheegeen inay si buuxda ugu garab geli doonaan dedaalkaas ay wadaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisu.
Wasiirrada Wasaaradaha arrimaha gudaha, madaxtooyada, arrimaha dibadda, Biyaha iyo ciyaaraha oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ee la xidhiidha inuu horumarin ballaadhan oo la taaban karo, taariikhdana gala ka hirgeliyo gobolka Awdal, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka iyo madaarrada oo fure u ah nolosha bulshada.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo madasha soo gunaanaday, ayaa bahda dhaqanka uga mahadnaqay taageerada ay la garab joogaan horumarka xukuumaddiisu ka waddo gobolka iyo ilaalinta nabadda iyo wada-jirka bulshada.
Madaxweynuhu waxa uu si cad ugu sheegay bulshada reer Awdal inuu hirgelinayo dhammaanba wixii uu hore ugu ballanqaaday, isaga oo isla madasha kaga dhawaaqay bixinta dhaqaale lagu soo iibinayo mishiinka Oxygen-ta dhaliya oo uu hore ugu ballanqaaday Cusbitaalka guud ee Boorama.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu xusay inuu fulinayo ballanqaadyadiisa, madaxda dhaqankana looga baahan yahay inay kaalintooda qaataan oo isku duubnimada bulshada iyo wada-jirkooda ka shaqeeyaan, waxana uu yidhi,
“Waxannu doonaynaa inaanu ballanqaadyadada kasoo baxno, dhammaanteenna aynu ka wada shaqayno midnimada shacabka iyo inaynu gacmaha is qabsanno.” ayuu yiri Ciro