Jimco 21, Feb 2025 {HMC} Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ayaa xoojiyay iskaashiga dhanka milatariga iyo amniga, xilli Abu Dhabi ay ballaarinayso saameynteeda Geeska Afrika. Tallaabadani waxay sii adkeyn kartaa xiisadda ka dhex aloosan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Taliyaha ciidamada Somaliland, Sareeye Gaas Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidanka Imaaraadka, Sareeye Gaas Ciise Sayf Maxamed Al Mazruucii. Wada-hadalladooda ayaa diiradda saaray iskaashiga dhanka difaaca, casriyeynta milatariga, iyo taageerada amniga.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Somaliland, labada dhinac waxay ka wada hadleen taageerada Imaaraadka ee tababarka, teknoolojiyadda milatariga, iyo agabka saadka si loo xoojiyo awoodda difaaca Somaliland.
Kulankan ayaa kusoo beegmay xilli Taliye Nimcaan uu ka qeyb galay bandhig caalami ah oo dhanka difaaca ah oo ka socda Abu Dhabi, kaasoo socon doona illaa 23-ka Febraayo.
Iyada oo leh marin muhiim ah oo isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer xiiseynayay in uu ballaariyo joogitaankiisa milatari ee Berbera. Tani waxay u suuragelin kartaa in uu saameyn ballaaran ku yeesho Bariga Afrika, isla markaana uu ka hortago xulafada Soomaaliya sida Turkiga oo taageera Muqdisho.
Warbixinno kala duwan ayaa muujinaya in Imaaraadka uu doonayo in uu saldhig milatari ka sameysto gobolka, taasoo xoojin karta joogitaankiisa istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika.
Dhinaca Somaliland, xoojinta xiriirka milatari ee Imaaraadka waa mid la xiriira ammaanka iyo dadaalkeeda ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah. Tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991, Somaliland waxa ay raadinaysay iskaashi dibadeed si ay u xoojiso sheegashadeeda qaranimo.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa bishii lasoo dhaafay laba jeer safar rasmi ah ku tegay Imaaraadka, taasoo muujinaysa sii xoogeynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo amni ee Hargeysa iyo Abu Dhabi.
Intii uu halkaas joogay, wuxuu ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Dowladda, halkaasoo diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo maamulka dowliga ah ee gobolka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeeda heshiisyada milatari ee ay Somaliland la gasho dalal shisheeye, iyada oo ku doodeysa in heshiisyadaasi ay khatar ku yihiin midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Saameynta Imaaraadka ee Somaliland ayaa muran dhalisay tan iyo 2017, markaasoo shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai ay heshiis la gashay Somaliland si ay u horumariso dekedda Berbera.
Heshiiskan oo ay qeyb ka ahayd Itoobiya ayaa waxaa si adag uga hor yimid baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah, islamarkaana sheegay in dhammaan maalgelinta shisheeye ay tahay in lagala xaajoodo Muqdisho.
Xiisadda u dhaxaysa Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay 2018, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay $9.6 milyan oo laga helay diyaarad Imaaraadka laga leeyahay oo ka degtay Muqdisho, taasoo lagu eedeeyay in lagu maalgelinayo maleeshiyaad goboleed.
Jawaab celin ahaan, Imaaraadka wuxuu joojiyay barnaamijkiisii tababarka ciidanka Soomaaliya, isagoo beddelkiisa diiradda saaray iskaashi amni oo toos ah oo uu la yeeshay Somaliland iyo Puntland.
Xoojinta doorka Imaaraadka ee Somaliland ayaa kusoo beegmaysa xilli uu jiro heshiis muran badan dhaliyay oo Itoobiya ay la gashay Hargeysa, kaasoo dhigaaya in Itoobiya ay heli karto marin badeed ka Berbera. Heshiiskan ayaa dhaliyay qalalaase diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo sii murjisay xariirka gobolka.
Ilhaan Cumar oo la xiray – Caasimada Online
XOG: NISA oo xirtay XAAJI Abuukar Cumar CadaanXOG: NISA oo xirtay XAAJI Abuukar Cumar Cadaan
Blinkist: Andrew Ng’s Reading List
|
Sponsored by Taboola
Google Brain Co-Founder Andrew Ng, Recommends: Read These 5 Books And Turn Your Life Around
Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo soo jeediyey hab loola macaamilo Ahlu Sunna – Caasimada Online
Sheekh Shariif iyo Jeneral Odowaa oo xalay kulmay – Caasimada Online
Skip AdDiscoverRead More