Khamiis 20, Feb 2025 {HMC} Shirkii madasha Iskaashiga ee dalalka Geeska Afrika oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday dalka Itoobiya ayaa waxaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee madasha iskaashiga geeska Africa mudda labada sano ee soo socota waxaana Soomaaliya ay kala wareegi doonta Gudoonka Dowladda Itoobiya.
War saxaafadeedka laga soo saaray shirka iskaashiga 23aad ayaa lagu shaaciyay in Soomaaliya madashaan ay labada sano ee soo socota ay gudoon ka noqon doonto, Wasiir Biixi Imaan Cige ayaana la filayaa in uu xilka gudoomiye si rasmi ah ula wareego horraanta bisha April 2025.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa xilkaan waxa uu kala wareegi doonaa dhiggiisa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo ahaa guddoonka madasha 2-dii sano ee la soo dhaafay.
Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban soo saaray ayaa mahadcelin iyo bogaadinta golaha kadib waxa uu xaqiijiyay in uu si hufan oo cadaalad ah uu u maamulidoono madasha Iskaashiga Geeska Afrika.
“Sharaf ayey u tahay Soomaaliya in ay guddoomiso madasha iskaashiga Geeska Afrika 2da sano ee soo socota oo ka bilaabmaysa Abriil 2025 iyada oo xilka kala wareegaysa Itoobiya, Anigoo ah wakiilka xubin muhiim ah madashaan, waxaan ku hanweynahay inaan idinkugu adeego si cadaalad ah” ayuu ku yiri Wasiir Biixi qoraal usoo dhigay barta uu ku leeyahay X.