spot_imgspot_imgspot_img

FAAHFAAHINO:Weerar Saaka AS ay Ku qaadeen Fariisimo Ciidamada Dowlda iyo Kuwa Deegaanka ay Lahaayeen

Khamiis 20, Feb 2025 {HMC}  Deegaanka Ceel Cali Axmed oo ah goob Istraatiiji ah, lagana sugo Amniga magaalada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal ayaa xubno ka tirsan AS ku soo qaadeen weerar qaraxyo ku billaawday.

Ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ku sugnaa saldhiga ku yaalla deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasina waxaa ka dhacay dagaal qaraar oo saacado socday.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow tirada rasmiga ah aan la xaqiijin Karin.

Weli Saraakiisha Militeriga Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle kama hadlin dagaalka ka dhacayd deegaanka Cali Axmed.

Sidaan oo kale, AS ayaa dhowr jeer isku dayday in ay dagaal ku qabsadaan deegaanka Istaraatiijga ah, balse uma sooragalin, waxaan halkaasi saldhigyo waa wayn ku leh Ciidamad dowladda iyo dadka deegaanka.

Magaalada Aadan Yabaal oo ku taalla xadka gobolada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa ay ciidmada Dowladda iyo dadka deegaanka la waregeen laba sano ka hor.

WARARKA