Arbaco 19-02-2025 {HMC} Ururka Xamaas iyo Israa’iil ayaa mar kale gaaray heshiis ay isku dhaafsanayaan maxaabiis ay labada dhinac kala heestaan, waxaana durba lasii diyaariyay liisaska iyo magacyada xubnaha maxaabiista ah ay is dhaafsanayaan labada dhinac.
War kasoo baxay ururka Xamaas ayey ku sheegeen in ay sii deynayaan lix Israa’iliyiin nool iyo afar meyd ah oo gacatooda ku jira, Israa’iil ayaa iyana dhankeeda xabsiyadeeda kasii deyn doonta boqolaal Falastiiniyiin ah ay horey xukumo ugu rideen.
Maxaabiista reer Falastiin ee Israa’iil deynaso ayaa gaaraya 602 Falastiiniyiin , waxaana ku jira dadkaasi lasii deynayo 157 horey xabsi daa’in ay ku xukuntay Israa’i, maxaabiista labada dhinac ayaana la is dhaafsan doonaa maalinta Sabtida ah.
Shacabka Gasa ayaa sidoo kale loo ogalaan doonaa qaar badan oo kamid ah guryaha gurgura iyo gargaar dheeraad ah oo Qasa la geynayo, waxaana maxaabiis is dhaafsiga labada dhinac aad usoo dhaweeyay ehelada xubnaha lakala heesto.
Tan iyo markii la heshiiyay ururka Xamaas ayaa sii daayay 19 la heyste oo Israa’iiliyiin ah , waxaana dadkaasi Xamaas sii deysay lagu beddeshay in ka badan 1,100 maxaabiis Falastiiniyiin ah, kuwaa oo qaarkood ku xukunnaa xabsi daa’in.