Arbaco 19-02-2025 {HMC} Guddiga farsamo ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa bisha soo socota ee Maarso mar kale kulmaya si uu uga hadlo dhammeystirka waxyaabaha qabyada u ah si loo xoojiyo heshiiskii Ankara ee Bishii Deseembar 2024 ay wada gaareen labada Dal.
Sida ku cad baaqa wadajirka ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay kasoo saareen wadahadalkii ugu dambeeyay 17-18ka Febaraayo ka qabsoomay Turkiga guddiga ayaa ku ballamay in bisha soo socota ee Maarso kulmo.
Wareeg afar ah oo loogu talagalay in uu wadaxaajoodku maro ayuu is araggaan qayb ka yahay maadaama guddigaan marka uu wadahadalka aadayo uu la tashi la sameynayo Madaxda Sare Dowladaha Soomaaliya & Itoobiya ee xalka raadinaya sida hadalka loo dhigay.
Guddigaan farsamo oo u badan Wasiirro waxa ay si joogta ah ula soconayaan hadba waxa soo kordha, waxaa intaas u dheer iska warqabkooda oo udub dhexaad u ah in la xoojiyo is fahamkii ama wadaxaajoodkii Ankara.
Itoobiya ayaa weli raadineysa marin badeed, Soomaaliya waxa ay sheegtay in haddii ay Itoobiyaanka u fasaxeyso ama u ogolaaneyso ay usoo mareyso nidaamka Dalalka aan badda lahayn ee la tacaamula kuwa leh.