Arbaco 19-02-2025 {HMC} Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in shacabka degmada ay goaansadeen inay iska dulqaadaan dhibaatada ay kala kulmaan Dhaq dhaqaaqa Al shabaab, waxaana uu shaaca ka qaaday in shaqa fiican ay bilaabeen shacabka Magaaladaasi.
Gudoomiye Nuur ayaa ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug in rajo dhow ay kasoo muuqatay magaaladaasi oo sanado gacanta ugu jirta Al shabaab maadama ay shacabka go’aansadeen inay iska dulqaadaan ku hoos noolaanshiyaha nidaamka Kooxda Al shabaab.
“Shacabkii ayaa adkeysan waaye go’aana ku qaatay in ay Al-shabaab iska dulqaadaan waa in ay Dowladda lasoo garab istaagtaa taageero nooc waliba leh, waxaana jirta rajo fiican in Al shabaab magaalada laga saari doono” ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale.
Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay dhalinyaro deegaanka ah oo is-abaabulay ay habeen ka hor ka fuliyeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, khasaare loogu geystay kooxda Al-Shabaab.
Sida saraakiisha dowladda ay warbaahinta u sheegeen, howlgalkaan ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri uu Ceelbuur ka degganaa horjoogaha waxa ay kooxdu ugu yeerto “Xisbada” ama booliska, oo lagu magacaabay Yaxye Laba Madax.