Arbaco 19-02-2025 {HMC} Howlgalka ciidamada Midowga Yurub ee loo soo gaabiyo EUNAVFOR ee lagu sugayo ammaanka xeebaha Geeska Afrika ayaa soo saaray digniin ku saabsan dhacdo kale oo looga shakisan yahay weeraro burcad badeednimo oo lagu weeraray markab sitay Calanka dalka Yemen.
Dhacdadaan ayay xuseen Howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya 17kii Bishaan, waxaana ay noqoneysaa markii labaad bil gudaheedi oo ay burcad badeeda Soomaalida ay weeraraan maraakiibta ku socdaalaysa xeebaha Soomaaliya ama biyaha u dhow.
War uu soo saaray Howlgalka ayaan faah faahin dheeri ah looga bixin qaabka afduubka markabkaan uu u dhacay, dhacdaan markale waxa ay ka dhacday degaanka Garmaal ee Degmada Eyl u dhow ee degaanada Puntland.
Howlka Atalantikada ayaa sheegay inay soo furashada markabkaan kala shaqeenayaan ilaalada xeebaha dalka Yemen iyo kuwa Maamulka Puntland.
13kii bishaan ayay ahayd markii ay ciidamada Midowga Yurub ay soo furteen Markab lagu magacaabay Al Najma oo watay calanka Yemen, waxaana saarnaa ilaa 12 Shaqaale.