Arbaco 19-02-2025 {HMC} Dowladda Canada ayaa sheegtay in ay awood dhaqaale iyo mid ciidan isugu geysay kahortagga soogalootiga kasoo Soomaalida qaybta ka tahay ee dhinaca Dalka deriska la ah ee Maraykanka kasoo gudbaya maadaama ay ka cararayaan in Donald Trump uu masaafuriyo.
Ku dhowaad 10 kun oo Askari oo isugu jira Booliis, Militari iyo kuwo gaar ah oo wata Diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca iyo Gaadiid ayaa la geeyay xuduudaha Maraykanka iyo Canada ay wadaagaan si ay uga hortagaan qulqulkooda.
Canada ayaa luuqad adag uga goodisay dadkaas tahriibka ku galay Maraykanka ee qorsheynaya in ay dalkeeda u gudbaan, waxa ay sheegtay in ay masaafurin doonto cid weliba oo kasoo gudubta xuduuddda bilaa sharci.
Trump ayaa eryanaya Soogalooti badan oo Maraykanka soo galay muddadii uu bannaan jooga ka ahaa siyaasadda Dalkaas, markii uu waday ololaha doorashada waxa uu ku goodiyay in uu xakameyn doonno dadkaas sharci darrada ku jooga dalkiisa.
Tallaabadii ugu horreysay uu qaaday markii uu xilka ku guuleystay isaga oo aan Aqalka Cad la wareegay waa in uu amray in ciidan xooggan la geeyo xuduudda, sidoo kale sharci loo diido xitaa Ubadka ay Dalkaas ku dhalaan kuwa tahriibka kusoo galay.