spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamo macawiisleey ah oo Weerar Qorsheeysan ku Dilay Sargaal ka tirsan AS.

Arbaco 19-02-2025 {HMC}  Ciidamo katirsan Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisley ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Magaalada Bacaadweyne ee Koofurta Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Saraakiisha ciidamadaan iskaashanaya ee Federaalka iyo kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda ayaa sheegay in ay beegsadeen fariisimo ay ‘AS’ ku lahaayeen deegankaas isla markaana ay burburiyeen saldhigyo ay halkaas ku lahaayeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay sawirro ay kasoo qaaday goobaha ay howlgallada ka fulisay ee Magaalada Bacaadweyne Koofurta Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Waxaa sii xooggeystay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Koofurta Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug kaddib markii ciidamo dheeraad ah ay geysay Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidankii ka horreeyay.

WARARKA