spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shirka πŸπŸ‘-𝐚𝐚𝐝 Ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika

Talaado 18-02-2025 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia uga qeyb galay shirka πŸπŸ‘-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) oo ay marti galinayso Dowladda Ethiopia oo ah hoggaanka hada ee Madashada.

Madashan oo 3 Biloodle ah ayaa diiradda lagu saaray Shantii Sano ee la soo dhaafay wixii u qabsoomay dalalka ku mideysan Madashani iyo qorshaha Mustaqbal ka la hiigsanayo oo u badan maalgalinta mashaariic horumarineed oo ay helayaan dalalka geeska Afrika.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad kooban ka jeediyay kulanka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in diiradda la saaro sare u qaadidda mashaariicda maalgalineed ee ay helaan dalalka gobolka, si gaara ah Soomaaliya ayuu ku sheegay in ay mudnaan gaar ah siinayso maalgalinta ilaha dhaqaalaha dalka, Mudane Wasiir Biixi ayaa waxa kale uu uu sheegay in loo baahan yahay xoojinta iskaashiga ganacsi ee geeska Afrika.

Shirkan ayaa intiii uu socday waxaa kale oo la isku raacay in π„π­π‘π’π¨π©π’πš oo ah hoggaanka 2-dii sano ee la soo dhaafay ay π’π¨π¨π¦πšπšπ₯𝐒𝐲𝐚 ku wareejiso hoggaanka Dalalka Iskaashiga, iyada oo uu xilka gudoomiyaha si rasmi ah ula wareegidoono Wasiirka Maaliyadda XFS, bisha April 2025 oo shirkaan kiisa xiga ee 24-aad lagu qaban doono Magaalada Washington ee dalka Mareykan.

WARARKA