spot_imgspot_imgspot_img

Maxay Tahay Sababta uu Elon Musk Mozambique uga joojiyay $10 Milyan oo Maraykanka ku taageeri Jiray?

Talaado 18, Feb 2025 {HMC} Elon Musk oo dhowaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u magacaabay Waaxda Waxtarka Dowladda ayaa amray in (DOGE) ay joojiso kaalmaada uga baxda dalkiisa Gudniinka Ragga ee Dalka Muzambiue Koofurta Qaaradda Afrika.

Musk ayaa laga soo xigtay in lacagtaas oo dhan $10 Milyan oo Doollar uu Maraykanka ku caawin jiray in lagu gudo Ragga Mozambique maadaama aanay dhaqaale u qorsheyn ama ku bixin Dowladdooda sida hadalka loo dhigay.

Bilyaneerkaan la shaqeynaya Madaxweyne Donald Trump ayaa markii uu xafiiska qabtay wixii ka dambeeyay 20kii Janaayo 2025 waxa uu soosaaray awaamiir badan oo lagu joojinayo dhaqaalaha badan dalkiisa uga baxa waxyaabo aan faaโ€™iido gaar ah ka heleyn.

Dowladda Mozambique ee Raggooda lacagta lagu gudayay ay ka jartay Dowladdii ka caawineysay ee Maraykanka ayaa dalbatay in aanay lagu degdegin goโ€™aankaan fulintiisa lagana eego dhinaca Caafimaadka sida lagu yiri qoraal ay Dowladdu soosaartay.

Dhibaaatada kale ee Mozambique ka cabanaeyso ayaa ah in Isla Maraykanka uu taageerrada ka joojiyay Hayโ€™adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo 45% caawineysay Dalkaan dhaca Koofurta Afrika sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Dalkaas.

WARARKA