spot_imgspot_imgspot_img

Laftagareen oo Shirkad Kuwait laga leeyahay la galay heshiis 25 sano ah.

Talaado 18, Feb 2025 {HMC} Waxaa bannaanka usoo baxay warar sheegaya heshiis ay wada galeen Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen & madaxa Shirkadda Arab Digital Holding ee laga leeyahay Dalka Kuwait, heshiiskaan ayaa quseeya maamulka Dekedda Baraawe.

Sida lagu sheegay warbixinno lagu daabacay bara kala duwan, waxa uu heshiiskaan soconayaa muddo 25 sano ah, qiimaha ku baxaya waa nus bilyan doollar ($500 oo Milyan oo doollar), waxaana la hormarinayaa Dekedda Baraawe, iyada oo dhismo casri ah lagu sameynayo sida qorshaha uu yahay.

Shirkaddaan waxa ay kaashaneysaa shirkad kale oo lagu magacaabo MYD oo laga leeyahay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, doorkeeda waa in si casriyeysan loo dhiso Dekedda Baraawe, iyada oo xoogga la saarayo marsada iyo goobaha dadka soo jiidan kara si dhaqaale badan uu halkaas uga soo xaroodo.

Guddoomiye ku xigeenka shirkadda Arab Digital Holdign Fahad Nawaaf Al Doosari ayaa sheegay in heshiiskaan uu u sahlayo in ay qabtaan howlo badan sida sahminta khayraatka, Dhismaha Dekedda, Al Doosari ayaa tilmaamay in heshiiskaan uu damaanad qaadayo in lagu fuliyo muddo 4 sano kaddib waa marka si rasmi ah Maamulka Koofur Galbeed uu dhankiisa shaaciyo.

Fahad Al Doosari ayaa sheegay in Shirkaddu ay kaashaneyso Shirkado kale oo Khaliijka ah iyo Bangiyo Carbeed oo bixinaya maalgelinta ku kaceysa oo gaareysa Nus bilyan Doollar si loo fuliyo marxaladda qaybta koowaad ee heshiiskaan, waxa uu meesha ka saaray in ay jiraan qodobo xadidaya oo dhankooda heshiisku ku galeen.

Hirgelinta mashruucaan ayuu Fahad Nawaaf Al Doosari ku sheegay in uu faa’iido u yahay Dalal badan oo Gobolka ku yaalla sida Itoobiya, Koofurta Suudaan, Waqooyi Bari Kenya, Bartamaha Afrika, Uganda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Dalal kale oo si toos ah marsada Baraawe wax uga soo degsan kara.

Dhulka Mashruuca laga fulinayo ayuu ku sheegay Fahad in uu gaarayo 200 oo Kiilomitir oo isku wareeg ah, shaqada sahminta oo ah howsha ugu horreysa ayaa billaaban doonta bilaha soo socda si muddada shirkaddu u qabsatay u dhammeystirto loogana fa’iideysto dhaqaalaha laga rajeynayo in uu dib uga soo laabto.

Weli Dowlad-Goboledka Koofur Galbeed iyo Dowladda Dhexe ee Federaalka wax war ah kama soosaarin hadalkaan, waxaa la dhowrayaa jawaabta kasoo yeerta.

WARARKA