Talaado 18, Feb 2025 {HMC} Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in uu si siman ugu adeegayo Dalalka ku bahoobay Ururkaan uu Guddoominayo isaga oo tilmaamay in uu leeyahay waaya-aragnimo siyaasadeed oo ku filan.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay Dalka uu ka dhashay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ku suntan tahay nabad, is ixtiraam iyo ka shaqaynta horumarka Bulshada, sidaas awgeed uu u baahan yahay in lagu garab istaago sida uu soo jeediyay.
Qaaraddaan Dalalka ay ka kooban tahay oo kala daruufo iyo kala xaalado ah ayuu sheegay Maxamuud Cali Yuusuf in uu mas’uuliyaddooda dusha saartay kana shaqeyn doonno sidii xal waara uu ugu raadin lahaa sida uu hadalka u dhigay.
“Afrika waa 55 Dowladood, 30 Malyuun oo kiilmo-mitir isku weer, 1.4 Bilyan oo qof, waxa ay u baahan yihiin la horumariyo, aniga oo mas’uul ka ah hoggaamintooda waxa aan ka shaqeynayaa sidii aan u horumarin lahaa, Dalkeenna, Afrika & Geeska ayay fursad u tahay xilka aan qabtay” Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.
Dalal Soomaaliya ay kamid tahay dedaal xooggan geliyay sidii Jamhuuriyadda Jabuuti ay u hoggaamin lahayd Midowga Afrika, markii la xaqiijiyay guusha Maxamuud Cali Yuusuf waxaa Xukuumadda DJibuuti gaaray hambalyo kala duwan.