Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Magaalada Burco waxaa maanta ka taagan Xiisad ka dhalatay Nin lagu dilay Magaaladaas, marxuumka ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Xadhigle Shiine kana tirsanaa Wakaaladda Biyaha Magaaladaan.
Dilka waxa uu yimid kaddib markii uu biyaha ka jaray Guri lacag badan lagu yeeshay balse qof kamid ah Dadka mas’uulka ka ah Gurigaas uu dilay sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Maamulka Wakaaladda Biyaha Magaalada Burco.
Maamulaha Wakaaladda Biyaha Burco ayaa sheegay in Marxuumka ay goob kawada quraacdeen isla markaana uu u sheegay in uu biyaha kasoo jari doonno guri laga bixin waayay lacagtii lagu soo dallacay isticmaalkooda.
Laamaha ammaanka Maamulka Magaalada Burco ayaa sheegay in ay qabteen Qofkii dilka geystay iyo xubnihii kale ee hubeysnaa isla markaana la socday si baaritaan loogu sameeyo looguna maxkamadeeyo haddii aanay labada dhinac iska fahmin.
Magaalada Burco waxaa ku badan Kooxaha hubeysan ee ka dhashay qulqulatooyinka Siyaasadeed ee Magaaladaas ka jira, waxa ay Bulshada Magaaladaas dalbatay in la xareeyo Ragga hubeysan oo marar kala duwan geystay Dil, Dhaawac iyo Dhac.