Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay wafdiga ka socday Galmudug ,kuwaasi taakulo iyo garab istaag u muujiyey Ciidanka geesiyaasha ah ee Daacish ka sifeynaya Puntland.
Wafdiga Galmudug ayaa taakuladii ay wadeen ku wareejiyeen maalintii shalay guddiga taakuleynta iyo daryeelka hawlgalka ciribtirka argagaxisada ee Puntland, si ay garab ugu muujiyaan ciidamada dagaalka kula jira kooxda Daacish.
Madaxweynaha ayaa boggaadiyey garab istaaga Galmudug u muujisay ciidanka iyo hawlgalka socda, wuxuuna xusay in ay muhim tahay in meel looga soo wada jeesto ciribtirka Argagixisada Daacish iyo Shabaab oo labudaba khatar ku ah guud ahaan Soomaaliya iyo gobolka oo dhan.
Kulankan maanta ka dhacay magaalada Boosaaso waxaa ka qeybgalay masuuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland, Guddiga taakuleynta iyo daryeelka ciidanka hawlgalka kujira, xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda iyo saraakiil Madaxtooyo.