spot_imgspot_imgspot_img

Dowllada Soomaaliya oo war kasoo saartay howlgal xalay ka dhacay buuraha Calmiskaat.

Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya war kasoo baxay ayaa lagu shaaciyay in xalay howlgal dhinaca cirka ah oo iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowladda Mareykanka laga fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Duqeynta Mareykanka fuliyeen ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in lala eegtay goobo la sheegay in ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka katirsan kooxda Daacish ee ku sugan Buuralayda Calmiskaad.

โ€Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa lagu xoojinayay howgallada isdaba joogga ah ee geesiyaasha daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan argagixisada Daacish, wali waxaa socda tirakoobka khasaaraha gaaray cadowga ISISโ€ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay DFS.

Dowladda Soomaaliya ayaan shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta xalay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen buuraha Calmiskaad , waxa ayna dowladda sheegtay in ay socdaan qiimeynta khasaaraha ka dhashay duqeyntan dhacday.

WARARKA