spot_imgspot_imgspot_img

Donald Trump oo war kasoo saaray kulanka u la qaadanaayo Vladimir Putin.

Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii sheegay in uu “si dhakhso ah” ula kulmi karo Vladimir Putin, isagoo intaa ku daray inuu aaminsan yahay in dhiggiisa Ruushka ay dhab ka tahay joojinta dagaalka Ukraine.

“Waqti lama cayimin, balse waa dhici kartaa in ay dhowaan dhacdo,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha, saacado kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Marco Rubio, uu isku dayay in uu hoos u dhigo rajada laga qabo wadahadallo heer sare ah oo lagu qabanayo Riyadh si loo soo afjaro dagaalka.

Iyadoo Rubio uu hoggaamin doono wafdi sare oo Mareykan ah oo wada-hadallo kula yeelanaya saraakiisha Ruushka caasimadda Sacuudiga maalmaha soo socda, ayaa dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan ay socdaan, xilli dagaalka Ukraine uu galayo sannadkii saddexaad.

Trump ayaa sheegay in kooxdiisu ay “waqti dheer iyo dadaal badan” la qaadatay saraakiisha Ruushka, oo uu ka mid yahay ergaygiisa Bariga Dhexe, Steve Witkoff, kaasoo uu Trump sheegay inuu dhowaan la kulmay Putin muddo saddex saacadood ah.

“Waxaan u maleynayaa inuu doonayo inuu joojiyo dagaalka,” ayuu Trump ka yiri Putin.

Markii la weydiiyay haddii uu aamisan yahay in Putin uu damacsan yahay inuu Ukraine dhan qabsado, Trump wuxuu yiri: “Taasi waxay ahayd su’aashayda.”

“Haddii uu sii wado… taas waxay i hor dhigi lahayd dhibaato weyn,” ayuu Trump ku daray.

“Waxaan u maleynayaa inuu doonayo inuu soo afjaro dagaalka, waxayna rabaan in ay sida ugu dhaqsaha badan u dhammeeyaan. Labadooduba,” ayuu yiri, isagoo intaa raaciyay, “Zelensky sidoo kale wuu rabaa in la soo afjaro.”

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa Axaddii sheegay in uu rumeysan yahay in Ruushku uu u diyaar garoobayo inuu dagaal ku qaado NATO oo daciif ah, haddii Trump uu hoos u dhigo taageerada Mareykanka ee isbahaysiga.

Trump wuxuu u muuqday inuu hoos u dhigayo hadalka Zelensky, isagoo wariyeyaasha u sheegay inuusan “xitaa yar” uga welwelsaneyn farriinta hoggaamiyaha Ukraine.

Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ayaa marar badan ku adkeystay in uu soo afjari karo dagaalka Ukraine hal maalin gudaheed haddii uu dib ugu laabto Aqalka Cad. Hase yeeshee, Rubio wuxuu hoosta ka xarriiqay in “aysan sahlaneyn” in la xalliyo dagaalkan dheer, dhiigga badan ku daatay, islamarkaana murugsan.

“Hannaanka nabadda waa mid u baahan dadaal ka badan hal kulan,” ayuu yiri diblomaasiga sare ee Mareykanka wareysi uu siiyay CBS, xilli uu ka qeyb galay Shirka Amniga Munich.

‘Weli waxba lama go’aamin’

Rubio ayaa hoggaamin doona wafdi heer sare ah oo Mareykan ah oo u socdaalaya Riyadh, balse weli lama caddeyn in Ukraine ay ka qeybgali doonto. Rubio wuxuu sheegay inuusan xitaa hubin cidda Moscow ay u soo diri doonto.

“Weli waxba lama go’aamin,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in ujeeddadu ay tahay in la helo fursad lagu billaabo wadahadal ballaaran oo “ay Ukraine ka mid noqon doonto, islamarkaana la xiriiri doona dhammaadka dagaalka.”

Witkoff iyo Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Michael Waltz, ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan wadahadallada.

Trump iyo Putin ayaa Arbacadii yeeshay wicitaan dheer oo ay ku heshiiyeen in si degdeg ah loo billaabo wadahadallo xabbad-joojin ah.

Wadahadalkii ayaa lama filaan ku noqday xulafada NATO iyo Kyiv, iyadoo Zelensky uu ku adkeystay in “wax go’aan ah laga gaareyn Ukraine iyada la’aanteed.”

“Xilligan ma jiro wax hanaan ah,” ayuu yiri Rubio, oo Sabtidii telefoon kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Sergei Lavrov. “Hal wicitaan nabad ma keeni karo.”

Wareysi uu Axaddii siiyay NBC, Zelensky wuxuu ku sheegay in Putin uu yahay qof been badan, oo aan la aamini Karin.

“Ma aaminsani in qofna qof kale uu aamini karo marka la eego arrimaha siyaasadda caalamiga ah,” ayuu yiri Rubio.

“Maalmaha iyo toddobaadyada soo socda waxay go’aamin doonaan haddii (Putin) uu dhab ka yahay ama aanay ahayn.”

WARARKA