Isniin 17 Feb 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene),ayaa sheegay in dowladda iyo deeq bixiyaasha ay ka shaqeynayaan in la buuxiyo mashaariicdii ay hakisay USAID
Wasiirka oo ka qeyb galay dood Ku saabsan Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka iyo Saamaynta Geeska Afrika ayaa tilmaamay wada shaqeynta dowladda mareekanka iyo soomaaliya gaar ahan dhanka mashariicda oo uu ka ammaanayo sida ay uga garab siiyaan dowladda soomaaliya.
Wasiir Beene Beeneโ Dowladda Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha waxay ka shaqeynayaan in la buuxiyo mashaariicdii ay hakisay USAID.
Waxa uu wasiirka Qorsheynta intaa hadalkiisa ku daray in madaama Soomaliya oo ah goob Alle ku manneeystay kheyraad kala duwan loo baahanyahay in loo jiheeyo bulshada Soomaaliyeed sidii ay uga faaโideysan lahaayeen,loogana maarmi lahaa caawinada dibadda ah.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Qorsheynta ay dadaal xooggan ku bixinayso hirgelinta istiraatiijiyado lagu dhiirrigelinayo iskaashi wax-ku-ool ah oo lala yeesho dalalka horumaray, si gaar ahna loo xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka.