spot_imgspot_imgspot_img

Wasiir Al-Cadaala “Shacabku waxay bilaabeen inay ku tartamaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo Daacish”

Axad 16 Feb 2025 {HMC} Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yusuf Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed ay hadda u jiheeysteen inay laamaha amaanka kala qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in labadii sano ee ugu dambeeysay natiijo wanaagsan laga gaaray dagaalka lagula jiray Al-shabaab oo ciidan ahaan lagu jabiyay Howlgaladii Ciidanka Qaranka Soomaaliya ay qaadeen oo dhul balaaran looga qabsaday, xaga dhaqaale ahaanna si weyn loola dagaalamay waxaana hoos loo dhigay ayuu shaaca ka qaaday wasiirka in 65% dhaqaalihii soo gali jiray.

“Xaga Dhaqaale ahaan Kooxda Al-shabaab, Waxaan ognahay in laga miiray system kii Maaliyadeed ee dalka oo ay ku milmeen uuna dhaqaalahoodi kusoo uruuray tuugeysi” ayuu yiri Wasiir kuxigeenaka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala

Wasiirka ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay mar waliba isku dayi jirtay inay baqdin galiyaan Shacabka Soomaaliyeed balse hadda dadkii ay indhaha fureen oo ay ku tartamayaan dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab iyo Daacish isagoona tusaale usoo qaatay waxa ka socda degaanada Puntland iyo Gobolka Hiiraan oo dagaalo xoogan ay uga furan yihiin Al-shabaab iyo Daacish.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh markii ay xukunka la wareegtay waxa ay bilowday olole militery oo adag oo ay dhul badan ciidanka Soomaaliya ay kaga qabsadeen Kooxda Al-shabaab oo ay ku jireen goobo Maxkamado u ahaan jiray iyo saldhigyo waa weyn oo ay dadka ugu yeeri jireen.

WARARKA