Axad 16 Feb 2025 {HMC} Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta dhageysatay eed loo heysto Tahliil Axmed Fiidow Caraale oo horay uga tirsanaa ciidamada Xoogga balse la sheegay in markii dambe uu ku biiray ‘AS’
Tahliil ayaa sheegay in ‘AS’ gacanta ka jartay kaddib markii uu tilmaamay in lagu soo eedeeyay xatooyo (tuuganimo), waxaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida loo horgeeyay in uu qarax geeyay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Waxa uu Tahliil Axmed Fiidow Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada kahor sheegay in uu qarax dhacay Oktoobar 2024 ka qaaday Xaafadda Towfiiq Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir isaga oo geeyay Degmada Kaaraan.
Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday in xukun adag la saaro Tahliil Axmed Fiidow oo sidoo kale loogu yeero Cali Daahir Jimcaale maadaama qaraxaas lagu eedeeyay dad ku dhinteen.
Eedeysanaha iyo qareennadiisa ayaa si wadajir ah dhankooda u dalbaday in loo fududeeyo ciqaabta kiisaska xeer ilaalinta kusoo eedeysay mar haddii uu qiraal yahay qayb kamid ah dambiyada loo heysto, ugu dambeyn guddoomiye Shuute ayaa fadhiga soo xiray.