Axad 16 Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raagge.
Ugu horreyn Taliyaha ayaa warbixin ka siiyay madaxweynaha sida ay u socdaan howgallada ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ka socda Hirshabeelle kuwaas oo lagu soo af-jarayo haraadiga Kooxda Al shabaab
“Rabbi ha idin ku guulleeyo dadaalka iyo kaalinta naf-hurnimada ee dalka kaga xorreyneysaan cadowga Kooxda Al shabaab”
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa tilmaamay in la joogo waqtigii guusha kaddib dagaal adag oo lala galay argagixiso caalami ah ee Al shabaab.