spot_imgspot_imgspot_img

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed oo war kasoo saartay xukunadii ka dhacay Baydhabo.

Sabti, 15 Feb 2025 {HMC} War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si weyn waxa ay u taageertay xukunadii todobaadkii lasoo dhaafay ee dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyey gacan ku dhiiglayaal geestay Dilal Baree ahaa oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri “Waxa ay Wasaaraddu si dhow ula socatay Xukunka Lagu Fuliyey gacan ku dhiiglayaasha geystay Falalka arxan darrada ah ee kafog Dhaqanka Islaamka, xeerarka iyo Dhaqanka Soomaalida u degsan, waxaan si buuxda ugarab istaageynaa Xukunkii Cadaaladda ahaa ee ragaasi lagu fuliyay”.

Ugu dambeyntii war saxaafadeedka wasaaradda ayaa shaaca looga qaaday in looga baahan yahay Dhammaan Bulshada ku dhaqan Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay si buuxda u garab istaagaan dadaalada ay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay wado kuwaas ay ku xaqiijineyso Amniga iyo Cadaaladda.

Laba maalmood oo isku xiga oo todobaadkii lasoo dhaafay ayay Koonfur Galbeed fulisay dilal toogasho ah rag ku eedeysnaa inay haweeyneey kufsi iyo dil ay iskugu dareen iyo mid kale oo sanadkii lasoo dhaafay nin ku tooreeyay magaalada Baydhabo.

Bulshada ku dhaqan deganaada Koonfur Galbeed ayaa dhankoodi booriyay tallaabada maamulkaan ee uu u qaaday in cidii wax disha tiirka toogashada la geeyo, qaar kamid ah dadkii dhibanaha u ahaa kuwa la toogtay ayaa u mahadceliyay Maamulka Koonfur Galbeed sida ay cadaaladda u marsiiyeen dambiilayaasha.

WARARKA