spot_imgspot_imgspot_img

Warshadii qaraxyada Daacishta Soomaaliya oo xalay la Bur-buriyay.

Sabti, 15 Feb 2025 {HMC} Duqeymo culus ayaa xalay lagu garaacay fariisimo ay kooxda Daacish ku lahaayeen degaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad, waxaana duqeynta la sheegay in si gaar ah loogu bartilmaameedsaday saldhigyo ay lahaayeen kooxda Daacish.

War saakay kasoo baxay taliska ciidamada difaaca Puntland , ayaa lagu sheegay in duqeynta xalay lagu gubay warshaddii qaraxyada iyo biraha gawaarida u samayn jirtay kooxda ISIS, waxa ayna taliska sheegeen in duqeynta khasaaro badan kasoo gaartay warshada Daacish iyo raggii halkaasi joogay.

“Duqeynta xalay ee hawlgalka oo laga fuliyey deegaanka Sheebaab-Calmiskaad, waxaa lagu gubay warshadii Argagixisada Daacish Qaraxyada iyo biraha gawaarida ku sameyn jirtay iyadoo halkaasi lagu dilay xubnihii ku sugnaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ciidamada difaaca Puntland.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta xalay ka dhacday deegaanka Sheebaab lagu dilay saraakiil iyo xubno kale oo katirsanaa kooxda Daacish, kuwaa oo xilliga weerarka dhacayay ku sugnaa halkaasi.

Duqeymo culus ayaa mararka qaar lagu garaacaa buuraha ay ku sugan yihiin dagaalyahannada kooxda Daacish, waxaana duqeymahaasi Puntland ka taageera dowladda Mareykanka iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta, halka ciidamada Puntland howlgal dhinaca dhulka ah wadaan.

WARARKA