Sabti, 15 Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in dowladdiisu wadahadallo la yeelatay Mareykanka oo ku saabsan dib-u-dejinta qaxootiga Falastiiniyiinta ee Gaza, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan la soo bandhigin wax codsi rasmi ah.
Wareysi uu siiyay Sky News Arabia, Cirro wuxuu ku sheegay in Somaliland aan loo tixgelinayn meel dib-u-dejin loogu sameeyo Falastiiniyiinta laga barakiciyay Gaza, kaddib hadallo uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku saabsanaa dejinta qaxootiga dalal kale.
“Somaliland waxay aad u qiimeysaa iskaashigeeda dhaqaale, milatari iyo diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Mareykanka, balse arrintan na lagama soo hadal-qaadin. Wax kasta oo miisaankaan leh waxay u baahan yihiin wada-hadal qoto dheer,” ayuu yiri Cirro.
Cirro wuxuu mar kale caddeeyay taageerada Somaliland ee xuquuqda Falastiiniyiinta, wuxuuna ku baaqay xal diblomaasiyadeed oo waafaqsan mowqifka guud ee Carabta.
Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay xiriir dhow la leedahay dalal badan oo Carbeed, isla markaana ay ka go’an tahay in ay door wax-ku-ool ah ka qaadato arrimaha gobolka.
Hadalka Cirro ayaa yimid xilli sii kordhayaan wararka la xiriira hadalladii Donald Trump oo soo jeediyay in Falastiiniyiinta Gaza loo raro dalal kale. Warbaahinta Israa’iil ayaa soo wariyay in Somaliland iyo Puntland ay ka mid yihiin meelaha la tixgelinayo, hase yeeshee, ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo ka yimid Washington ama Hargeysa.
Hadalka Cirro ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo gobolka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo cakiran.
Cirro oo dhawaan ka qeybgalay Shirweynaha Dowladaha Adduunka ee Dubai, ayaa mar kale xaqiijiyay in maamulkiisu diiradda saarayo horumarinta dhaqaale, xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed ee Somaliland, xilli Gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xaalad aan degganeyn.
Qorshaha Trump ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay inta badan dalalka Carabta.
Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ee Masar iyo Boqor Abdullah II ee Urdun ayaa ku celceliyay diidmada ay ka qabaan in Falastiiniyiinta si khasab ah loo raro, iyaga oo carrabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee dib u dhiska Gaza iyada oo dadka reer Gaza ay ku sii negaanayaan dhulkooda.