spot_imgspot_imgspot_img

Gudoomiye Aadan Madoobe Oo Kulan La Qaatay Kusimaha Safiirka Safaaradda Itoobiya

Sabti, 15 Feb 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kusimaha Safiirka Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya Ketema Haile Minuta oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan gaar ahaan Baarlamaanada labada dal, Waxaana Kusimaha Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada Wadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kusimaha safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka Baarlamaanada labada dal.

WARARKA