Sabti, 15 Feb 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya degaanada Jubalanad ayaa sheegaya in Hawlgal qorshaysan oo ay Ciidanka Jubaland ka fuliyeen Deegaanka Lafo-gari oo hoos taga Degmada Dhoobley lagu Soo qabtay nin magaciisa ay ku sheegeen Macalin Maxamed oo ahaa kuxigeenka Maxkamad ay tuuladaasi ku lahaayeen Kooxda Al shabaab.
Warbaahinta Jubbaland ayaa sheegtay in Hawlgalkaan oo loo qorsheeyay si xirfadaysan ay Ciidamada Jubbaland ku qaarajiyeen afar xubnood oo kamid ahaa dagaalamayaashii Al shabaab ee isla degaankaan ku sugneyd.
Taliyaha amniga ee Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose Korneyl Maxamed Heybe ayaa sheegay in goobta ay weerareen ay ugu tageen 20 dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab oo cowshado goobta ka sameeystay kuna dhuumaalaysanayay, dagaal kooban oo goobta ka dhacayna ay ku dileen 4 dagaalame labana ay uga dhaawaceen.
Dadka la dilay waxaa kamid madaxii Al shabaab ee degaanka Lafo-gari u qaabilsanaa dhinaca Maaliyadda balse ay ciidamada Jubbaland ay u suurta gashay inay gacanta kusoo dhigaan Kuxigeenka Maxkamad ay Al shabaab u adeegsan jireen inay shacabka degaanadaasi ugu yeeraan.
Ciidamada Jubbaland ayaa dhowaanahaanba waday howlgallo ay ku sheegeen inay ku baacsanayaan Dagaalamayaasha ka tirsan Al shabaab ee ka dhaq dhaqaaqayada degaanada Dowlad Goboleedka Jubaland ay maamusho.