spot_imgspot_imgspot_img

Xiisada TPLF iyo Dowlada Federalka Itoobiya oo Dib uqaraxday, Maxaa La isku Hayaa?

Jimco 14-02-2025 {HMC} – Mas’uuliyiinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa Khamiistii shaaciyay in ay hakiyeen xubinimada xisbiga hore u talin jiray ee Tigrayga (TPLF) sababo la xiriira jebinta heshiis siyaasadeed oo la gaaray labo sano ka dib dagaalkii dhiigga badnaa ee Tigray.

Xisbiga TPLF, oo intii uu socday dagaalkii 2020-2022 lagu daray liiska kooxaha argagixisada, ayaa dib loogu aqoonsaday xisbi siyaasadeed kadib markii colaaddaasi dhammaatay.

Heshiiskii 2024 ayaa farayay in TPLF ay qabato doorasho rasmi ah oo hoggaan cusub lagu soo doorto kahor 10-ka Febraayo ee sanadkan.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa bayaan ay ku daabaceen barta X ku sheegay in xisbigu ku guuldareystay fulinta shuruuddaas, taasoo jebin cad ku ah heshiiskii la gaaray.

“Xisbiga waxaa laga mamnuucay in uu qabto wax hawlo siyaasadeed ah muddo saddex bilood ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Diiwaangelinta xisbiga waa la tirtiri doonaa haddii uusan muddadaas gudaheed qaadin tallaabooyin saxitaan ah,” ayaa lagu daray.

Getachew Reda, oo ka mid ah hoggaanka sare ee TPLF, ayaan ka jawaabin codsi AFP ay uga dalbatay jawaab.

Xisbiga TPLF ayaa Itoobiya xukumayay ku dhawaad 30 sano ilaa uu talada la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo aan ka soo jeedin qowmiyadda Tigray, sanadkii 2018.

La wareegidda Abiy ayaa hurisay xiisado sii kordhay oo 2020-kii isu beddelay dagaal labo sano socday oo dhex maray dowladda iyo xoogagga Tigrayga, dagaalkaas oo lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 600,000 oo qof.

Xiisado cusub ayaa hadda ka dhex curtay TPLF, gaar ahaan u dhexeeya Getachew, oo hoggaaminayay maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray ee ay soo magacowday Addis Ababa dagaalka kadib, iyo Debretsion Gebremichael, hoggaamiyihii muddada dheer soo maamulayay xisbiga.

Hay’adda ACLED, oo ah urur aan dawli ahayn oo dabagasha khasaaraha colaadaha caalamka, ayaa toddobaadyo ka hor ka digtay in xiisadahan ay halis ugu jiraan in ay isku beddelaan rabshado hor leh.

WARARKA