Jimco 14, Feb 2025 {HMC} Ciidamada Deegaanka ee loo yaaano Macawiisleyda ayaa Gacanta ku dhigay Maxamed Rashiid Cabdi Xuseen oo Waday Documentiyo aay leeyihiin kooxda AS.
Ciidamada ayaa ka qabtay Maxamed Rashiid Deegaanka Ceel Xeero oo Hoos Yimaaado Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.
Marka aay Qabanayeen Ciidanka Deegaanka wuxuu waday Gaari Nooho ah oo aay saarnaayeen warqadaha ama Documentiyada aay kooxda AS Siiyaan Dadka aay lacagaha ka qaadaan.
Ninkaan aay Ciidanka deeganka gacanta ku dhigeen ayaa mar ahaa Gudoomiyaha Deegaan hoos tago Degmada Maxaas oo la yiraaho Ganuuribad.
Maamulka Degmada maxaas ayaa xaqiijiyay in uu ku xiranyahy xabsi ku yaalo Degmada maxaas oo uu Baaritaan ku socdo.
“Ninkaan mar ayuu ahaa gudoomiyaha Deeganka Ganuuribad, Maamulka Degmada maxaasna uma magacaawin xilkaas, waxaa u Gartay Dadka Deegaanka, saas ayuu ku ahaa gudoomiyaha deegaankaas, Waxaa soo qabtay Ciidanka Deeganka, Wuxuu ku Xiranyahay Degmada Maxaas Baaritaan ayaa ku socdo” Ayuu Yiri Gudoomiya ku xigeenka Amniga Degmada Maxaas, Daahir Xuseen Cilmi.
Gobalka Hiiraan gaar ahaan dhanka Bari ayaa ahaa meelihii aadka looogula dagaalamay kooxda AS, Waxa qeeyb weeyn ka qaatay ciidamada deeganka ee loo yaqaano macawiisleeyda.