spot_imgspot_imgspot_img

Puntland oo sheegtay in dhulka Daacish ay haatan ku dagaalami karaan uu yahay 15km kaliya

Jimco, Feb 14, 2025 {HMC} – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in kooxda Daacish ay hadda ku hareen dhul dhan 40km oo kaliya, iyadoo ciidamada Puntland ay sii ballaarinayaan howlgalka ay ka wadaan goobihii lagu dagaalamay ee Calmiskaad.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in Daacish ay hadda ku sugan tahay dhul buuraley ah oo qiyaastii 15km ah, isla markaana haddii laga saaro, ay ciidamadu u gudbi doonaan dhul bannaan oo suuragal ka dhigaya in gaadiidka dagaalka loo adeegsado dagaalka.

Maxamuud Caydiid wuxuu ballanqaaday in dagaalka lagula jiro Daacish la soo afjari doono waqti kooban gudaheed, isagoo xusay in ciidamada Puntland ay durba guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Puntland wuxuu eedeyn u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku dhaliilay in hubkii loogu deeqay si loogu dagaalamo Daacish ay ku kaydsatay Muqdisho, halkii la geyn lahaa goobaha dagaalku ka socdo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda ay gabtay doorkeedii ay ku gaarsiin lahayd hub iyo rasaas meelaha lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada, wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in Muqdisho lagu soo koobay hantida iyo kheyraadka shacabka Soomaaliyeed.

WARARKA